Martino: Kama tagayo Barcelona

Martino: "Kama tagaayo Barca"
Martino: “Kama tagaayo Barca”

Tababbarre Gerardo Tata Martino, ayaa beeniyay in uu ka tagayo kooxda Barcelona xagaaggan marka uu dhammaado, isagoo caddeeyay in uu dhammeysanaayo qandaraaskiisa.

Tababbarraha u dhashay dalka Argentina oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegayin uu sii joogo Barca ilaa inta uu dhamaaneyso heshiiska uu kula joogo kooxda.

“Waxaan xushmeynayaa qandaraaskeyga, waana been wararka sheegaya in aan ka tagaayo koxda” ayuu yiri Tata oo maanta ka hadlayay shir jaraa’d.

Dhinaca kale, war lagu soo qoray bogga ay lee dahay Barcelona ayaa lagu beeniyay warar la isla dhex-marayay oo sheegayay in Tata Martino uu ka tagayo koxoda marka uu dhammaado xagaaggan.

Tata ayaa heshiis laba sanno ah u saxiixay Barca bishii July ee sanadkii hore.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here