Martino: Atletico waxay naga hor istaagtay inaan si wanaagsan u ciyaarno

388954_heroaTababaraha Kooxda Barcelona Tata Martino, ayaa aaminsan in ay kasoo gudbi kareen Atletico, laakiin waxa uu sheegay in ciyaartoyda Diego Simeone ka hor istaageen ciyaartoydiisa ineey si fiican kubadda isugu baasaan.

Martino ayaa aad uga xumaaday qaabka dagaalka ah ee ay Ciyaartoyda Atletico ula dheeleen kooxdiisa, taasoo Barcelona ku qasabtay ineey kubad dhaadheer ciyaaraan.

Gool uu dhaqsi u dhaliyay KOKE, ayaa wiilashada Diego Simeone xaqiijiyay, ineey u gudbeen wareega Afar Afarta.

Martino ayaa intii uu tababarayay Barcelona 5 mar ku guul dareystay inuu wax guul ah ka gaaro Atletico Madrid xili ciyareedkan oo kaliya.

“Atletico Madrid waxay ahayd mid si fiican difaac u gashay, waxaana ay difaac adag dhigeen banaanka hore ee Goolka, taas ayaana noo suurta galin weyday inaan wax gool ah dhalino” sidaa waxaa yiri Macalinka Barcelona Tata Martino.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here