Martida: Madaxweynaha Puntland

madaxweynaha maamulka Puntland, Prof. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.
madaxweynaha maamulka Puntland, Prof. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Barnaamijka Martida waxaa toddobaadkan marti ku ah madaxweynaha maamulka Puntland, Prof. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Prof. Gaas wuxuu barnaamijka uga hadlay arrimaha Puntland iyo wixii maamulkisa u qabsoomay muddadii laba bilooed ee uu jiray.

Madaxweyne Gaas wuxuu sheegay in wixii jiro haddii aan laga wada hadlin, aan la gaari karin wax xal ah, sidaasi daraadeedna ay wada hadalo la galayaan Dowladda, iyana ay taasi diyaar u tahay.

“Haddaan la wada hadlin dee xal lama gaaraayo, marka anagu waxaan fureynaa wada hadal, Dowladda Federalka iyana diyaar bay u tahay, in la wada hadlo saan ogahay. Si markaasi wixii jira oo dhib ah oo labada dhinac ay kala tirsanayaan looga heshiiyo.” ayuu yiri Dr. Cabdiweli Gaas.

Wuxuu sheegay in Somaliya ay ka jirto Dowlad Federal ah, isagoo intaa raaciyay in Puntland ay ka mid tahay Dowladda Federalka, balse wixii khilaaf ah ee jira ayuu sheegay in baahan yahay in laga wada hadlo.

Halkan Hoose ka dhageyso barnaamijka oo dhammeestiran.

Dhageyso Martida iyo Madaxweynaha Puntland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here