Marshaale oo maanta lagu aasay magaalada Muqdisho{Sawiro}

Alle ha u naxariistee Waxaa maanta magaalada Muqdisho lagu aasay Majaajiliste Cabdi Jaylaani Marshaale, oo ay shalay galab kooxo hubeysan dileen.
Aaska Meydka marshaale waxaa kasoo qeyb galay bahda saxaafada,fanaaniin,iyo majaajilistayaal ay isla soo shaqeyn jireen Marshaale.

Waxaa lagu aasay qabuuro ku yaala xaafada Afisyooni ee Degmada Xamar Jajab ee Gobolka Banaadir.

Agaasimaha TV-ga Universal xarunta magaalada Muqdisho Ibraahim Jeekey ayaa tacsi u diray ehelada iyo qaraabada uu ka geeriyooday Cabdi Jeylaani.

Sidoo kale Cabdi Muriidi Ajakis ayaa sheegay inay in sanadkaan ay dilalka usoo wareegteen dhanka fanaaniinta iyo majaajilistayaasha loona baahan yahay in la adkeeyaa amaanka saxaafada iyo fanaaninta.
“Madhinte waa ilaaheey, qof walbo oo dunidaan joogana waa dhimahaa,koleey gacan ka gardaranaa dishay” ayuu ajakis usheegay saxaafada.
Isaga oo ilmaynaya Ajakis ayuu sheegay inay muddo sanadooyin ah ay isla soo shaqeyn jireen islamarkaana uu ahaa nin wanaagsan.

Alle ha u naxariistee Cabdi Jaylaani Malaaq Marshaale ayaa ifka kaga tagay Afar wiil iyo gabar iyo labo xaas uu qabay oo mid kamid ah ay jirto Dalka Sacuudiga.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here