Majaajiliiste Marshaale oo galabta Muqdisho lagu dilay

Waxaa galabta magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya lagu dilay Cabdi Jeylaani Malaaq (Marshaale) oo ka mid ahaa majaajiliistayaasha ugu canaasanaa Soomaaliya.

Sida wararku sheegayaan laba nin oo ku hubeesnaa bistoolado ayaa ku dilay gurigiisa hortiisa xaafada Cali Boolaay ee degmada Waabari ee magaalada Muqdisho, kooxdaasi ayaa ka baxsaday goobta.

Sida uu xaqiijiyey Yusuf Keynaan oo ka mid ah wariyaasha Radio Kulmiye oo uu haatan Marshaale ka tirsanaa, marxuumka ayaa u geeriyooday dhaawac kasoo gaaray weerarka lagu qaaday, waxaana uu ku dhintay isbitaalka Madiina.

Allah ha u naxariistee Marshaale wuxuu caan ku ahaa majaajilooyinka qosolka leh oo qaarkood uu mararka qaar arimaha siyaasadda ku tilmaami jiray halka ay marayaan, waxa kale oo uu ka qeybqaadan jiray barnaamijyada baraarujinta bulshada, iyo kuwa sheekooyinka gaaban.

Ma cadda sababta dilkiisa ka dambeysa, Hase yeeshee dilalka loo geysto dadka ka shaqeeya warbaahinta ayaa sare u sii kacay gudaha dalka, gaar ahaan magaalada Muqdisho oo kaliya sanadkan illaa toddoba wariye oo ka hawlgalayey idaacado iyo telefishano maxalli ah.
Marshaale wuxuu caan ku ahaa sheekooyinka gaaban ee ka baxa TV-ga Universal, waxa kale oo uu ka tirsanaa kooxda hobalada Waabari.
Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here