Marko: Booyad laga qarxiyay Ciidamada AMISOM

1450836_623855704320065_411213762_nWararka naga soo gaaraya magaalada Marko ee Xaruunta Gobolka Shabeelada Hoose, ayaa sheegaya in saakay halkaas lagu qarxiyay Gaari Booyad ah oo ay lahaayeen Ciidamada Nabad Ilaalinta Midowga Afrika (AMISOM). sidoo kale waxaa Booyada la qarxiyay ku dhaawacmay hal Askari oo katirsan Ciidamada AMISOM.

“Gaari booyad ah oo ay lahaayeen ciidamada AMISOM ayaa lagu qarxiyay degmada Marko, gabi ahaan gaarigii waa burburay, askarigii wadayna waxaa soo gaaray dhaawacyo fudud,” ayuu yiri guddoomiyaha degmada Marko.

Ma sheegin cid weerarkaas loo qabtay, balse wuxuu xusay in weerarradan oo kale ay yihiin kuwa ay Al-shabaab ka geystaan degmooyinka gobolka, ayna baaritaanno ku sameynayaan kooxihii fuliyay weerarkaas.

Gobolka Shabeellada Hoose ayaa deegaannada ay dowladdu kaga sugan tahay waxaa ka dhaca falal isugu jira qaraxyo iyo dilal qorsheysan oo ay geysanayaan xoogag taabacsan Al-shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here