Markabki ay Afduubteen Ciidamada Puntland oo Si Xoog ah Looga soo Furtay

Iyadoo ay Habeen hore Ciidamada Puntland ay afduubteen Markab ku xirnaa Dekada Boosaaso ayaa si xoog ah looga soo furtay.

Ciidamada Badda Puntland iyo Ciidamada Xeebaha Soomaaliya ku sugan ee NATO ayaa xalay isku hareereeyay Markabka, waxayna ku amreen ciidamadi saarnaa inay isdhiibaan.

Ciidamada ayaa marki ay gacanta ku dhigeen Markabka waxa ay la soo aadeen dhanka Magaalada Boosaaso, iyagoo ay la socdeen Ciidamdii afduubtay oo ka tirsanaa Maamul Goboleedka Puntaland.

Ilaa hada kama hadlin Maamulka Puntland, waxaana laga sugayaa inay ka hadlaan saacadaha soo socda.

Wixii warar ah kala soco wararka dambe Insha Allaah.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here