Markab Daroogo ku rarnaa oo lagu qabtay Xeebaha Somaliya

Markab dagaal

Ciidamada dowladaha New Zealand iyo Australia ayaa gacanta ku dhigay markab nooca rakaabka qaada ah oo ay ku rarneyd daroogo, xilli ay xeebaha Soomaaliya ka fulinayeen howlgallo ka dhan ah burcad badeedda.

Bayaan ay soo saareen ciidamada difaaca dowladda New Zealand ayaa lagu sheegay in shixnad daroogada xashiishka loo yaqaanna ah oo qiimaheeda lagu qiyaasay ku dhowaad 246 milyan oo doollar ay ka timid dalalka Carabta, loona soo waday Soomaaliya.

Afar cisho oo ay baddu xumayd ayaa ciidamada is garabsanaya waxaa u suurtagashay inay baaritaan ku sameeyaan markabka oo lagu magacaabo Toowoomba, waxaana ay ugu dambeyntii ku guuleysteen inay ka soo saaraan xashiish uu tankiisu gaarayo 5,588 kg oo ku jiray boorsooyin sida bayaanka lagu sheegay.

Waxaa howlgalka ka qeyb qaatay markab dagaal oo ay leedahay dowladda Pakistan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here