Markab dagaal oo Mareykanka leeyahay ayaa badmaaxayaal Iran ah ka badbaadiyey burcad badeed Soomaali ah

Ciidamada Mareykanka ayaa ka badbaadiyey dooni ay la socdeen badmaaxayaal Iran ah koox burcad badeed Soomaali ah oo dooneysay in ay qafaalato.

Markabka dagaal ee Mareykanka ayaa gacanta ku dhigay ilaa iyo 15 burcad badeed Soomaali ah, isaga oo badbaadiyey 13 nin uu u dhashay dalka Iran, waxaana tani ay kusoo beegmeysaa maalmo kadib marki ay Iran uga digtay ciidamada bada Mareykanka in ay usoo dhawaadaan biyaha Gacanka Persia.

Badbaadinta ayaa timid marki mid ka mid ah badmaaxayaasha uu kula hadlay qadka raadiyaha maraakiibta in shaqaalaha doonida ay gacanta u galeen burcad badeed Qamiisti lasoo dhaafay.

Afhayeenka Pentagon-ka George Little ayaa sheegay in ay heleen calaamado xoog leh oo dhanka garabka kadibna ay jawaab wanaagsan ka bixiyeen.

Iran iyo Mareykanka ayaa waxaa ka dhaxeeya cadawtooyo xoog leh, waxaana todobaadki hore labada dal ay is weydaarsadeen erayo kulkul kadib marki lagu xoojiyey Iran cunqabateynta.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.