Markab dagaal oo madaafiic ku tuuray xeebta Kismaayo iyo xaalada oo saaka kacsan

Wararka aanu ka heleyno magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada Hoose ayaa sheegaya in saakay ay ka jirto xaalad cakiran kadib marki ay halkaasi madaafiic isku weydaarsadeen markab dagaal iyo Al Shabaab.

Sida aanu kasoo xiganay dadka deegaanka, dagaalyahanada Al Shabaab ayaa ku riday madaafiicda lidka diyaaradaha markab kusoo dhawaaday xeebta dekada Kismaayo kaasi oo ah markab dagaal oo aanan la aqoon cida iska leh.

Warka ayaa intaasi ku daraya in markabka uu isna ku jawaabay madaafiic ku dhacday meelo ka mid ah xaafadaha magaalada kuwaasi oo aanan wali la ogaan qasaaraha ka dhashay.

Markabka ayaa wali ku sugan meel u muuqato xeebta magaalada, iyadoo ay dadka deegaanka aad uga baqayaan qasaaraha ka dhalan kara xaaladaan duqeynta ah.

Kismaayo oo ah magaalada ugu weyn ee ay Al Shabaab maamulaan ayaa ah magaalo xeebeed, waana caasimada sadexaad ee Soomaaliya, dhawaan ra’isulwasaaraha Itoobiya ayaa sheegay in howlgalkooda xigaa uu yahay halkaasi.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.