Marka iyo Shalambood oo saakay ku waabariistay waa cusub

Inkastoo ay xalay ciidamada Dowlada iyo Kuwa AMISOM isugu soo aruureen afaafka Marka, hadana dadka deegaanka ayaa waxa ay saakay kusoo kaceen waa cusub kadib marki marki uu meesha ka baxay maamulki hore.

Ciidamada ayaa difaacyo ka sameystay daafacaha magaalada, halka saraakiisha ciidankana ay seexdeen deegaanka Shalaamnood oo ay gacanta si buuxda ugu wada hayaan.

Abaanduulaha ciidamada qalabka sida General Dhagabadan ayaa sheegay in maanta ay si buuxda u wada qabanayaan magaalada Marka oo ay wali xaafado ka mid ah ku suganyihiin dagaalyahanada Al Shabaab.

Magaalada ayaa wali qasan iyadoo ay xiranyihiin goobaha waxbarashada iyo ganacsiga cabsi laga qaba in dagaalo ay ka dhex dhacaan.

AMISOM ayaa shalay war ay soo saartay ku sheegtay in ay qabsadeen magaalada Istaraatiijiga ah ee Marka.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here