Mark Hughes oo loo magacaabay tababaraha kooxda QPR

Naadiga QPR ee dalka Ingiriiska ayaa ku dhawaaqday in ay tababare u magacaabatay macalinka caanka ah Mark Hughes kaasi oo u saxiixay heshiis laba sana iyo badh ah.

Kooxdan ka dhisan galbeedka magaalada London ayaa dhawaan ceyrisay macalinkeedi hore Neil Warnock iyada oo hada keentay tababarahan oo ah nin si weyn looga yaqaano Ingiriiska horayna usoo tababaray kooxaha Blackburn Rovers, Manchester City iyo Fulham.

Tani waxay ka danbeysay ka gadaal marki kooxda ay soo hoysay guul darooyin qaraar iyada oo hada naadigana ku jirto kaalinta 17-aad ee horyaalka Premier League.