Wariye Mark Doyle oo ku safray Bartamaha ıyo Konfurta Somalıa

Dhul beereedka Afgooye
Dhul beereedka Afgooye

Mark Doyle, oo ah Wariye ka howlgala Idaacada BBC, ayaa waxa uu ku safray Bartamaha iyo Koofurta Soomaaliya.

Mark Doyle, ayaa Safarkiisa ka bilaabay Beeraha Afgooye ee Shabeelada Hoose, waxa uu leeyahay Inkastoo Soomaaliya dagaalo kajireen mudo ka badan 20 sano, hadana Horumarka ay ku talaabsatay waayadaan waa mid aan Indhaha laga qarsan karin.

Waxa uu leeyahay: “Safarkeeyga Soomaaliya wax badan ayaa kusoo bartay, waxaan soo arkay dhul aad u qurxan”.

“Waxaan soo arkay Waadiyo, Dhul doog leh iyo Buuro dhaadheer o qurxan” ayuu hadalkiisa sii daba dhigay.

“Waxaan soo helay muuqaalo wanaagsan, anigoo aan isticmaalin Ookiyaale, waxaan ka daawanayay Dariishada Baabuur Gaashaaman”.

Mark Doyle, waxa uu leeyahay: “Safarkeyga aan ku tagay halkaas, waxaa i ilaalinayay Ciidamada AMISOM, oo dagaal kula jira Al-shabaab”.

Dagaalyahano katirsan shabaab
Dagaalyahano katirsan shabaab

Wariye Doyle, waxa uu sheegay in mararka qaar uu u dhaqmayay sida inuu yahay Askari, oo waxa uu xiranayay Gaashaanka Xabada laga xirto, halka mararka qaarna uu galayay dhufeys.

Waxa uu sheegay in 2dii Isbuuc ee uu safarka ujiray ee la joogay Ciidamada AMISOM, ay maalin walbo Al-shabaab soo weerarayeen, weerar toos ah iyo mid Hoobiye ah.

“Subax kamid ah maalmihii an la joogay AMISOM, Al-shabaab ayaa weerar gaadmo ah nagu soo qaaday, xaaladu waxay ahayd mid adag oo cabsi badan” ayuu yiri Doyle.

“Waxaan Xabadka dhigtay Cowska dhulka, siyaan uga badbaado xabadaha ay soo ridayeen shabaabka, xaaladaas waqti kooban ayaan kujiray” ayuu sii raaciyay.

“Ciidamada AMISOM, waxay garab siiyaan Ciidamada DFS oo ah kuwo tabar daran oo aan kaligood shabaab u babac dhigi karin” ayuu leeyahay wariye Mark Doyle.

Wariye Mark Doyle, oo dhanka kale ka war bixinaya Horumarka ay ku talaabsatay Soomaaliya, marka laga yimaado dagaalada, ayaa waxa uu leeyahay.

“Laakiin ma’ogtahay in Soomaaliya ay leedahay Aseendoyin ay ka baxaan, Liinta, Mooska iyo Canbaha? sidoo kale ma’ogtahay in Soomaaliya ay leedahay, Wabiyo iyo Buuro dhaadheer oo qurxan”.

“Ma rumeysneen in Soomaaliya sidaas tahay, ilaa aan Indhahayga kusoo arko xaqiiqada jirta” ayuu sii raaciyay.

“Labadii Isbuuc ee aan ku safrayay dhul dher oo Bartamaha iyo Soomaaliya kamid ah, waxaan soo arkay waaqica Nolosha Soomaaliya, taasoo isugu jirta dagaal iyo horumar, waxaan soo arkay dad dhulkooda beeranaya, waxaan soo arkay dad Xoolo dhaqanaya, waxaan soo arkay Geedo iyo dhul howd ah oo qurxan” sidaa waxaa yiri mark Doyle.

Xigasho:BBC

Waxaa tarjumay Bashiir Addow

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here