Mark Bowden oo Kenya Ugu Baaqday inay ilaaliso Shacabka Kismaayo

Warbixin qoraal ah oo laga soo saaray xafiiska isku duwaha arimaha aadaminimo ee Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in kulan d hex maray madaxa xafiiskaasi iyo masuuliyiinta difaaca ee dalka Kenya, looga wada hadlay walaaca dhinaca aadami nimada ee howlgalada miltariga Kenya ee koonfurta Somalia.

Qaramada Midoobay ayaa Kenya ku boorisay inay ilaaliso dadka rayidka ee degan agagaarka Kismaayo intay ay ku jirto howlgallada Militari ee ka dhanka ah Kooxda Al-Shabaab.

Mark Bowden ayaa Masuuliyiinta Kenya ee uu la kulmay u sheegay inay lagama maarmaan tahay in la yareeyo saamaynta ay dadka Rayidka ah ku yeelanayaan dagaaladaasi.

Mark Bowden, isu-duwaha gar-gaarka Bini’aadanimo QM ee Soomaaliya ayaa dhamaan dhinacyada ugu baaqay inay ogolaadaan in gar-gaarka Bini’aadanimo uu gaaro dadka u baahan.aadaminimo ee ay u baaham yihiin, isla markaana ay taxadar gaar ah u yeelan doonto yareynta qasaaraha rayidka.

Mark Bowden uqaabilsanaha Bini’aadanimada Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale sheegay in haatan dadka shacabka ay soo foodsaartay xaalad adag oo dhanka nolosha taasi oo jirta ayaa hadana waxa carabka ku dhuftay in ciidamada Kenya ee doonaya inay qabsadaan Kismaayo ay sameeynayaan wax waliba oo suurtagal ka dhigaya inay gacanta ku dhigaan magaalada kismaayo madaama ay ku xoogan yihiin ku xoogan yihiin Ururka Al-Shabaab taasi Mark Bowden waxa ay uu ku tilmaamay in lid ay ku tahay dadka rayidka.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here