Mario Balotelli oo u baahan in la caawiyo

Madaxda Ururka Xirfadlayaasha Kubada Cakta ayaa sheegay in weeraryahanka kooxda Manchester City Mario Balotelli uu u baahanyahay in la caawiyo, si uu u noqdo laacib anshax leh.

Theo van Seggelen, oo ah xoghayaha guud ee xiriirka Xirfadlayaasha Kubada Cakta FIFPro, ayaa war uu ku shaaciyey Twitter-ka ku sheegay in Mario uu rabo saacidaad xaga maskaxda ah.

Van Seggelen, oo wakiil ka ah 60,000 oo ciyaartooy oo caalamka daafahiisa kala joogta, ayaa ku adkeysanaya in 21 jirkaan u dhashay dalka Talyaaniga uu garawasado in ay heysato dhibaato.

“Waxaan u maleynayaa in gargaaro xaga xirfada ah oo loo fidiyo uu noqon karo xalka ka liyah ee Mario Balotelli,” ayuu u sheegay BBC Sport.

Balotelli, oo ku biiray kooxda City sanadki 2010  ayaa asbuuci hore dibada loo saaray kulanki ay Arsenal 1-0 ku cuntay Man City, waxaana kaarki casaanka ahaa ee la siiyey uu noqday kii afraad ee xilli ciyaareedkan uu qaado.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.