Mario Balotelli oo lagu daray xulka Talyaaniga ee ka qeybgali doona koobka Euro 2012

Weeraryahanka kooxda Manchester City Mario Balotelli ayaa lagu daray 32-da ciyaartooy ee hordhaca ah ee xulka Talyaaniga uga qeybgali doona koobka Qaramada Yurub ee Euro 2012.

21 jirkaan ayaa laga saaray xulka qaranka bishi Febraury kadib marki macalinka qaranka Cesare Prandelli uu ka carooday dhaawaci uu gaarsiiyey laacibka kooxda Tottenham Scott Parker inti lagu guda jiray ciyaar ka tirsaneyd horyaalka Premier League.

Hadana roose la siiyey kulanki Man City iyo Arsenal ayaa shaki weyn gelisay booskiisa xulka qaranka, hase yeeshee Balotelli ayaa keydka kasoo baxay shalay kooxdiisa oo uu xaalka ku xamaa kadibna ka caawiyey in aay qaadaan horyaalka.

Ninkaan muranka badan ayaa ka saaciday kooxda goolki guusha ciyaarti ay shalay 3-2 Man City uga badisay QPR, isaga oo u baasay Sergio Aguero goolki guusha.

Talyaaniga ayaa ku jiro koox adag koobka Qaramada Yurub oo bilaaban doona bisha June ee sanadkaan, isaga oo wajahaya xulalka Spain, Ireland iyo Croatia.

Xulkan hada la magacaabay oo ah 32 ayaa waxaa lagu wadaa in dhamaadka todobaadkan laga dhigo 23 kuwaasi oo noqon doona xulka rasmiga ah ee uu Prandelli la shartagi doono.

Xulka Talyaaniga:
Goolwalayaasha: Buffon (Juventus), De Sanctis (Napoli), Sirigu (Paris St. Germain), Viviano (Palermo).
Daafacyada: D Abate (Milan), Astori (Cagliari), Balzaretti (Palermo), Barzagli (Juventus) Bocchetti (Rubin Kazan), Bonucci (Juventus), Chiellini (Juventus), Criscito (Zenit St Petersburg), Maggio (Napoli), Ogbonna (Torino), Ranocchia (Inter);
Qadkadhexe: Cigarini (Atalanta), De Rossi (Roma), Diamanti (Bologna), Giaccherini (Juventus), Marchisio (Juventus), Montolivo (Fiorentina), Thiago Motta (Paris St. Germain), Nocerino (Milan), Pirlo (Juventus),Schelotto (Atalanta), Verratti (Pescara);
Weerarka: Balotelli (Manchester City), Borini (Roma), Cassano (Milan), Destro (Siena), Di Natale (Udinese), Giovinco (Parma)