Mario Balotelli oo fursad kale ay siineyso Man City

Tababaraha kooxda Manchester City Roberto Mancini ayaa sheegay in fursad kale ay siin doonnaan weerrar yahanka reer Talyaani Mario Balotelli, si uu markale u soo bandhigo ciyaar aad loo jecleesto.

Ciyaaryahanka toddobaadkan ayaa la ganaxaay labo toddobaad, taasoo ka dhigan in kooxdiisa uu ka maqnaan doono 12-ciyaar.

Mar ay saxaafadda weydiisay in Balotelli fursad la siin doono , wuxuu yiri Mancini: “Waan hubaa maxaa yeelay macalinkiisa ayaan ahay sida loo siiyay fursado ciyaartooyada kale ayuu isna u lee yahay. Laakin Mario wuxuu u baahan arrintaas wuuna u qalmaa.”

Arrintan waxa soo dhaweeyay ciyaartoyda kooxda iyo macalimiinta kale, kuwaasoo raba in in ciyaaryahanka uu sii joogo horiyaalka waddanka Ingiriiska the Premier League.

Macalin Mancini ayaa aaminsan in ciyaaryahankan reer Italy ee 22- jirka ah in uu seegi doono kulanka dhex-mari doono maalinta Sabtida kooxda Reading, ciyaartaas ayaa la sheegay in ciyaaryahanka uu ku maqnaan doono xanuun haya, iyo cadaadis ka heesta kooxda.

Tababaraha 48-jirka ee reer Talyaani ayaa sheegay in ciyaaryahan Mario laga rabo inuu badalo dhaqanka iyo qaladaadka badan ee uu sameeyo.

Macalinka ayaa aad uga carooday markii kooxdiisa laga saaray ciyaaryahan  Balotelli kulankii dhexmaray iyaga kooxda Arsenal bishii April 2012.

Ciyaaryahankan ayaa la sheegay in sagaal yallow ama karaka jaalaha la siiyay iyo seddax kaar oo guduud ah ama casaan horiyaalka xilli ciyaareedkan.

Sabtidii hore,  Balotelli waa laga tagay oo laga saaray kulankii looga adkaaday kooxdiisa ee dhexmaray Newcastle 3-1 oo ka dhacday garoonka at St James’ Park.

Mancini ayaa ku tilmaamay in ciyaaryahanka ciyaartaas uusan diyaar u ahayn, sida uu hadalka u dhigay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here