Mareykanka oo xaqiijiyey in ay ka danbeeyeen dilki Bilal Al Barjawi

Sarkaal ka tirsan dowlada Mareykanka oo diiday in magaciisa la shaaciyo ayaa xaqiijiyey in Mareykanku uu ka danbeeyey weerarki shalay lagu dilay hogaamiye sare oo ka tirsanaa Al Qacida iyo Al Shabab.

Sarkaalkan oo lagu magacaabo Bilal Al Barjawi ayaa waxaa shalay lagu dilay duleedka magaalada Muqdisho kadib marki diayaradaha is kaxeeya ay sadex gantaal ku dhifteen gaari uu la socday.

Jariirada washingtonpost oo soo xigatay ninkan oo uga gaabasaday magaciisa in la sheego sababo la xiiriira fasax uusan uga heysan xukumada ayaa sheegay in Al Barjaawi oo aad ugu dhawaa hogaamiyihi Al Qacidada Geeska Africa Fazul Abdullah Mohammed kaasi oo ka danbeeyey weerarki lagu qaaday safaarada Mareykanka ee dalalka Kenya iyo Tanzania.

Afhayeenka Al Shabab, Sheekh Cali Dheere ayaa xaqiijiyey dhimashada Al Berjawi oo u dhashay kasoo jeeda Lubnaan balse ku dhashay kuna barbaaray dalka Ingiriiska.

 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.