Mareykanka oo sheegtay mas,uuliyada duqeynti cirka ee ka dhacday Shabeelaha Hoose

Dowlada Mareykanka ayaa sheegatay in ay ku dileen 4 sarkaal oo ka tirsan Al Qaacida duqeyn ay diyaaradaha duuliye la,aanta ka geysteen dalka Soomaaliya Jimcihi shalay ahaa.

Saraakiil ka tirsan milatariga Mareykanka oo ku sugan magaalada Washington ayaa sheegay in  duqeynta ay ku dileen afar sarkaal oo ka tirsan Al Qaacidada Soomaaliya oo uu ku jiray nin Kenyan ah.

Saraakiishan oo ka gaabsaday magacyadoda ayaa tilmaamay in qofka Kenyanka ahaa ee la dilay uusan aheyn bartilmaameed, balse ujeedka uu ahaa saraakiisha kale ee la socday baabuurka.

Ururka Al Shabaab ee Somalia ayaa ku biiray AL Qaacida horaanti bishaan, waxaana taasi ay keentay in wal walka uu awal hore Mareykanka ka qabay uu hada sii kordhay xilli ay Shabaab dagaalo sadex geesood ah uga furanyihiin qeybo ka mid ah koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Milatariga Mareykanka ayaa horay uga fuliyey Soomaaliya weeraro dhowr ah oo dhinaca cirka ah kuwaasi oo uu ku bartilmaameedsaday saraakiil sare oo ka tirsan Al Qaacida iyo Al Shabaab.

Bishi hore ciidamado gaar ah oo ka tirsan kuwa bada ee Mareykanka ayaa howlgal ay ka fuliyeen Soomaaliya waxay kusoo badbaadiyeen laba ruux oo u kala dhashay dalalka Mareykanka iyo Denmark kuwaasi oo afduub loogu heystay bartamaha Soomaaliya.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.