Mareykanka oo maxkamad soo taagay nin maal gelinayey Al Shabaab

Nin u dhashay dalka Eritrea ayaa maxkamad lagu soo taagay Arbacadi shalay aheyd dalka Mareykanka kaasi oo qirtay inuu taageero maaliyadeed siiyey ururka Al Shabaab.

Mohamed Ibrahim Ahmed, oo ah 38 jir ayaa lagu xiray dalka Nigeira bishi november sanadki 2009, sanadki xigay ee 2010 ayaa lasoo taagay maxkamada federaaliga ah ee Manhattan ee dalka Mareykanka.

Ahmed oo sidoo kale heysta dhalashada dalka Sweden ayaa shalay qirtay inuu taageerayey Al Shabaab oo ay Mareykanku u heystaan urur argagixiso ah, waxa kale oo uu sheegay inuu tababar milatari ka helay Shabaab sanadki 2009.

Xeer ilaaliyaasha ayaa sheegay in ay xaqiijinayaan haatan in Ahmed uu siiyey qori AK-47 sarkaal ka tirsan Al Shabaab marki uu kasoo tagayey Somaliya.

Inkastoo aanan wali la wax xakun ah aysan ku dhawaaqin maxkamada hadana waxaa la leeyahay waxa uu wajihi doonaa xabsi 10 sano ah.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.