Mareykanka oo ka hadlay Shacabkii Kenya ee Mandhera lagu Xasuuqay

vector american flag

Warsaxaafadeed laga soo saaray Aqalka Cad ee Dalka Mareykanka ayaa lagu cambaareeyey weerarkii shalay Al Shabaab ay ka geysteen Duleedka Degmada Mandhera.

Waxa qoraalkaasi Mareykanka uu soo saaray lagu yiri waan ka xunahay weerarkii shalay Shacabka lagu Xasuuqay.

“Dawlada Mareykanka waxay tacsi udireysaa Dadkii ehelkooda ku jireen Xasuuqii ka dhacay Degmada Mandhera oo 28 qof shacab ahaa lagu laayey xilli lagala dagey Bus ay la socdeen,ayaa lagu yiri qoraalkaasi”.

Al Shabaabka Soomaaliya ayaa sheegtay Mas’uuliyada weerarkaasi iyagoo ku tilmaamay mid ay ugu aar gudayeen Muslimiinta Kenya ku dhibaateyneyso dad kusugan Masaajidyo ku yaalla Mombassa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here