Mareykanka oo ka digay weerarro cusub oo ka dhaca Kenya

Madaxa hay’adda sirdoonka qaranka Mareykanka
Madaxa hay’adda sirdoonka qaranka Mareykanka

Madaxa hay’adda sirdoonka qaranka Mareykanka ayaa Arbacadii shalay ka digay weerarro cusub oo kooxda Al-Shabaab ay ka geysato dalka Kenya.

James Clapper ayaa u sheegay xubnaha guddiga sirdoonka ee aqalka odayaasha Mareykanka in dowladaha Bariga Afrika ay wajahayaan caqabad la xiriirta ka hor-tagga weerarrada argagaxisada ah.

Hase yeeshee wuxuu sheegay inay dowladda Kenya kordhisay dadaallada la dagaallanka argagaxisada tan iyo muddadii ka dambeysay weerarkii Al-Shabaab ay ka geysatay xarun laga dukaameysto oo ku taalla bartamaha Nairobi, kaas oo lagu dilay ku dhowaad 70 qof.

Wuxuu xusay inay Al-Shabaab qorsheyneyso inay weerarro ka geysato dalalka Burundi, Jabuuti, Itoobiya iyo Uganda maxaa yeellay dalalkan ayaa ciidamo u diray Soomaaliya si ay qeyb uga noqdaan howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM.

Xigasho: BRK

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here