Mareykanka oo ka digay in baarlamaanka cusub lagu daro hogaamiye kooxeedyadi hore

Dowlada Mareykanka ayaa uga digtay odayaasha soo xulaya mudanayaasha baarlamaanka in ay kusoo daraan dagaal oogayaashii hore ee Soomaaliya.

Ergayga Mareykanka u fadhiya magaalada Nairobo, David Swan ayaa u sheegay wariyaasha in ay ka walaacsanyihiin warka soo gaar gaaraya ee sheegaya in qaar ka mid ah dagaal oogayaashi hore ay ku jiraan liisaska loo gudbiyey gudiyada xulista baarlamaanka.

Gudiga Farsamada ee kala shaandheynaya baarlamaanka iyo dadka loo soo gudbiyo ayaa shuruudaha ay ka rabaan dadka baarlamaanka ka mid noqon doona waxa ku jira inuusan horay uga qeybgalin dagaaladi Sokeeye.

Dhanka kale waxaa soo baxaya warar sheegaya in Mareykanka uu ku cadaadinayo madaxweynaha waqtigiisa sii dhamaanayo ee Soomaaliya in xildhibaanada cusub ee haatan la xulayo uusan kusoo darin dadki horay uga tirsanaan jiray kooxaha Islaamiyiinta Soomaaliya.

Sheekh Shariif oo isaga qudhiisa horay uga mid ahaa ayaa siyaasiyiinta ku safka ah waxa ku jira qaar horay uga soo mid ahaa kooxiha Islaamiyiinta Soomaaliya.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here