Mareykanka oo irdaha ka xiranaya dhaqaalihii uu siin jiray Somaliya

vector american flag

Wakiilka ugu sareeya ee dowlada Maraykanka u qaabilsan wadanka Soomaaliya, James P. McAnulty, ayaa sheegay in ay jari doonaan gar garka ay siyaan dowladda  somaliya,  ilaa ay ka dhexmarto wada shaqeyn labada masuul ayna dhameyaan  Khalaafka udexeya, Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha Somaliya.

Beesha caalamka ayaa luntay kalsoonida ay ku qabaan xukuumada somaliya,markii uu soo ifbaxay Khilaafka hareeyay Madaxda dalka somaliya.

sarkaal katirsan QM oo diiday in magaciisa la xigto,sababo la xiriira isagoon aan  loo fasaxin in si guud uu u hadlo,ayaa waxaa uu sheegay in QM ay ku hanjabtay in ay militeriga somaliya ay ka joojin doonto dhaqaalaha ay ku bixiso.

Safaarada Maraykanka ee Somaliya ayaa walaac ka muujisay todobaadkaan jahwareerka siyaasadeed ee dalka somaliya.

Xukumadda Washington ayaa  toddobaadkan ku dhawaaqday in aysan ka qeyb geli doono shir caalami ah oo ku saabsan Somalia todobaadka soo socdana ka dhici doona dalka  Denmark.

EJ Hogendoorn, oo ah khabiir Qaarada Africa ka soo jeeda oo ka tirsan Gudiga Masiibooyinka Caalamka  ayaa yiri “ haddii aad dooneyso in aad taageero ka hesho Mareykanka,waa in aad dhibaatooyinka noocaasi ah aay iska joojisaa.

2 COMMENTS

  1. SOOMAALIYEEY TOOSOO TOOSOO ISKU TIIRSADA, HADBA KIINA TAAGTA TARAN TAAGEERA WALIGIIN.

    SOOMAALIYA IYO MAREYKANKA WAA 2-DOWLADOOD OO XIRIIR WANAAGSAN KA DHAXEYEY WAQTI FOG- HADA WAXAA LA JOOGAA WAQTIGII LA SII KOR DHIN LAHAA SAAXIIBTINAMADA 2DA DALK. MARKAASINA AY SOOMAALIDA ISKKU KAASHAN LAHAYD IN SOOMAALIYA NOQOTO MID KAMID AH DALALKA UGU HORUMARSAN CAALAMKA MARKA LAGA EEGO XAGGA NABADGELYADDA,GANACSIGA, HORUMARKA..
    SOMAALIDA JOGTA DIBADAHA-GAAR AHAAN DALALKA DIBADDA IYO KUWA DERISKABA WAXAAN LA IDINKAGA BAAHAN YAHAY INAAD DALKIINA KU NOQONOTAAN KANA QEYB QAADATAAAN DHISMIHIISA IYO HORUMARKIISA-

    UN-KA SOMALI JOOGA- WAA IN DHAMAAN SHAQAALAHA HA’AYADA MAXALIGA AH EE DALKA JOOGA HADA WIXII KA DAMBEEYO AY DOWLADDA MAGACOWDA, LAGANA SOO DHEX XULAA BULSHADDA WEYNTA SOOMALIDA GAAR AHAAN DADKA AQOONTA LEH EE BARTEY CILMIGA XIRIIRKA SIYAASADDA IYO ISKAASHIGA CAALIMGA AH. KUWA HADA SIDA KUMEEL GAR AH UGA SHQEYNAYANA WAXAAN IDIN LEEYAHAY SHAQADIINA SI WANAGSAN U GUTA.
    HAY’AD KASTA OO MAXALI AH (NGO-YADA) EE DALKA IMAANAYANA WA INEY SAXIIXAN AMA BUUXIYAAN “FOOMKA WAXQABADKA SHAQO EE HA’AD MAXALIGA” TAAS OO LAGU OGAANAYO INTA AY DALKA JOOGEEN WAXA AY KU SOO SIYAADIYEEN,LAGUNA SOCDA WAXQABADKOODA. HADDII AY NOQOTO INEYSAN WAX SHAQO AH HEYNIN AMA SABABO KALE AY U JOOGAAN, AAN LAGA OGOLAAN KADIBNA LA JOOJIYO SHAQADOODA. CIDII SOO DIRSATEYNA DIB LOOGU CELIYO.

    IDACADAHA CAALAMIGA-MAANTA IDAACADII CAALAMKA WAXAY NOQDEEN KUWA IYAGANA BAAHIYO BEENTA IYO XASILOONII DARADDA MEELO BADAN OO CAALAMKA KA JIRO- SIDAASI IYO SI LAMID AH IDACADA DIBADDA KA IMAANAYA AMA DOWLADDO KALE AY LEEYIHIIN- WAA IN SIDAAS IYO SI LAMID AH U HELAAN DAD LA SHAQEEYO, LANA SOCDA WAXQABADKOODA, HADDII L AGU ARKANA AY FALAL AMNI DARO, BEEN ABUUR IWM AH AYAGOO KA SHAQEYNAYO. LAGA JOOGIYO SHAQADOODA…

  2. waxaan shaki ku jirin in khilaafka madaxda soomaaliyeed u dhaxeeya ow dhibaayo shacabka soomaaliyeed ka hor inta aaneey mareeykan iyo bahda caalamku ka hadlin, khilaafkaanina waxoow wiiqayaa horusocodka wadanka.
    shacabka soomaaliyeedna meelo badan ayoow ku cadeeyay inuuwsan raali ka aheeyn is qabqabsiga soo noqnoqda taasina waxeey madaxda korka ka saareeysaa ineey qadariyaan dareenka shacabkooda iyo midnimada ummadda soomaaliyeed. waayo madaxdu markeey shacabkooda qadariyaan waxeey helayaan in shacabku ka heybeeysto dowlada owna qadariyo qaraaraadka madaxda ka soo baxa.

    markaan ka hadlo warka ka soo yeeray mareeykanka waxaan anigu u arkaa ineey tahay faragelin iyo ku tumasho karaamada dowlada iyo weliba wadankeena cisadiisa, waayo mareeykan hadaan soomaali nahay wadankiisa lama xukuno amuuraha wadankiisana ma fara gashano sidaas darteed xaq uma laho inuu dowladeena u hanjabo
    isagoo nala fiirsanaayo duruufaha aw wadankeenu maraayo iyo dhaqaala yarida dowlada haysa.
    mareeykan waxaa ka muuqata inuu rabo in ow dowladeena ka dhigo dowlad ow isagu maamusho oo ku socoto dariiqoow u jideeyo taas oo ka dhiganta in aan isticmaar hoos joogno oo aaneey dowladeenu qaraar qaadan karin illaa ineey mareeykan amar ka qaadato maahane.
    taasina waa mustaxiil aanoow ogolaaneeyn qofkastoo soomaali ah oo damiir xor ah leh. sidaas darteed waxaan shacabka soomaaliyeed meelkastoo ahy joogaanba kula talinayaa in aan karaamadeena ilaashano dowladana garab istaagno dal iyo dibadna ka muujino inaanan ogaleeyn in dowladeena la bahdilo mahma oow gaaro khilaafka madaxdeena u dhaxeeyo waayo waxaan qabnaa culumaa,udiin duqeey nabadeed baarlabaan iyo indheer garad soomaaliyeed oo xalin kara khilaafaadka wadankeena umana baahnin shisheeye na soo dhax gala waayo caalamkaani waakii isku kaaya fiirsanaayay in ka badan labaatan sano marka maanta oo ummaddeeni isu soo dhawaaneeyso mareeykan walaa bah caalam kama rabno faragelin
    tan kale waa inoow shacabkeenu ku kalsoonaado khayraadka wadankeena ku jira kuna talo galo waxoow soosaarto illaaheeyna isku xiro dhexdeenana isu gargaarno.

    tankale mareeykan hadoow goosto kaalmo oowsiinaayay ciidankeena waa in tujaarta soomaaliyeed ka dhiidhiyaan arrintaas ayna ciidanka waxka dhisaan. mareeykan waxoow rabaa inuu ciidankeenu owsan kor u kicin marka waxaan leeyahay kaalmadiisu cirka hala aado anagana barwaaqada dhulkeena taala ayaa nagu filan .

    waxaan ahay hooyo soomaaliyeed waxaana diyaar u ahay in aan masaariifta ilmaheeyga qaybka jaro kuna garab istaago ciidankeena
    waxaana ogahay hooyo kastoo soomaaliyeed ineey sidaan iyo si ka sii fiican ugarab istaageeyso ciidankeena laakiin marna ogolaan meeyno in dhisitaanka ciidankeena ow mareeykan iyo wixi la qadar ahba ku gorgortamaan abadan abadan.

    tan kale waxaan halkaan fariin deg deg ah uga dirayaa dowlada qaasatan labada madax ee is haysta waxaan leenahay raali ka noqomeeyno in wadankeena lasoo farageliyo amaba dowlada la daqdiyo laakiin taasoo kale ogolaaanmeeyno in maalin kasta madaxdu iskhilaafaan waxaana dalbaneeynaa xaldegdeg ah.

    xasan shiikh, cabdi wali shiikh, jawaari shiikh. ILMO SHIIKH.
    shacabka soomaaliyeed waa idin bishaareeysteen ee hanoqonina kuwii lagu hungoobo. (wadan, diin, midnimo, shacab, xornimo.)waa amaano madaxiina saaran.nin xil qaaday eed qaad illaaheey garabkiina ha galo waxaan idinka sugnaaba waa xal degdeg ah.

    maalin wanaagsan iyo anigoo leh mareeykan iyo wixii la mid ahba

    dalka yaga ninkii doonaayayoow inuuduudsiyo raboow anagu diidnaye ogoow.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here