Mareykanka oo Iran ka codsaday dib usoo celinta diyaaradi Drone-ka aheyd

Mareykanka ayaa ka codsaday dowlada Iran in ay usoo celiso diyaarad ku basaaska ah oo ay soo dajisay.

Madaxweynaha maraykanka ayaa sheegay in ay codsigan gudbiyeen isla markaana ay jawaab ka sugayaan xukuumada Iran.

Taleefishinka Iran ayaa soo bandhigey muuqaalo dayuurada oo ah tan loo yaqaan RQ-170 Sentinel toddobaadkii la soo dhaafay iyadoo dayuradana la sheegay inay kujirtey howlo basaasid ah.

Isniintii ayaa dowlada Iran waxa ay sheegtay in khubaro dhinaca isgaarsiinta ah ay xogta ku jirta dayuuradaas ay ka soo saarayaan ayna marayaan halkii ugu dambaysay.

Xubin kamid ah baarlamaanka dalka Iran oo la yiraahdo Parviz Sorouri ayaa sheegay in xogta laga helo dayuurada loo isticmaali doono mid xukuumada Maraykanka dacwad loogu soo oogo.

Hase yeeshee xoghayaha arrimaha dibada dalka Maraykanka Hillary Clinton ayaa qirtey inaysan fileyn in dayuuradaas ay dowlada Iran dib ugu soo celiso dalka Maraykanka.

Ilaalada qaranka Iran oo saraakiisheeda laga daawaday taleefishinka Iran iyagoo fiirfiirinaya dayuuradan ayaa waxa ay sheegeen in dayuuradan ay ka soo gudubtay xadka dalka Iran uu la wadaago wadanka Afganistan ayna gudaha dalka Iran u soo gashay illaa 250km kahor inata aan dhulka la soo dhigin.

Dayuuradan oo ah nooca wax basaasta ayaa qubaro milatariga dalka Iran ay qalab Elektronik ah iyagoo adeegsanaya waxa ay dhulka soo dejiyeen iyadoo bedqabta oo aan wax dhib ah soo gaarin.