Mareykanka oo eryaya qunsulka Venezuela u fadhiya Miami

Qunsulka dowlada Venezuela u fadhiya magaaalada Miami ee dalka Mareykanka ayaa lagu amray in ilaa Khamiista ay dalka uga baxdo kadib marki lagu helay weeraro ay qorsheyneysay in lagu qaado cambayuutarada Mareykanka.

Livia Acosta Noguera ayaa lagu eedeeyey in ay kala xaajood diblamaasiyiin sidii loo weerari lahaa kambayuutarada safaaradaha Mareykanka qaarkood, xiligaasi oo ay haweeneydaan ka shaqeyneysay safaarada Mareykanka uu ku leeyahay dalka Mexico sanadki 2008.


Hey’ada FBI ayaa wado baaritaano ku aadan arintaan sida ay ku warantay wakaalada wararka ee AP ee dalkaasi Mareykanka.

Aqalka loogaga taliyo Mareykanka ayaanan wali xaqiijinin ceyrinta diblamaasiyadaani, hase yeeshee warbaahinta ayaa ogaatay arintaasi.

Afar ka mid ah xubnaha Kongareeska Mareykanka ayaa dhawaan warqad ay kaga cabanayaan diblamaasiyadan u diray Xoghayaha Arimaha Dibada Mareykanka Hillary Clinton bishi December.

Barnaamij ka baxay TV-ga ku hadlo afka Spanish-ka ee Univision ayaa bishi hore baahiyey war sheegaya in Ms Acosta Noguera ay kala xaajootay diblamaasiyiin kasoo jeeda dalalka Iran iyo Cuba sidi loo weerari lahaa nidaamka kambuyuutarada Mareykanka.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.