Mareykanka oo baarlamaanka Somalia ugu baaqay in ay sameeyaan doorasho cadaalad ah

Dowla Mareykanka ayaa ugu baaqday baarlamaanka Soomaaliya in ay sameeyaan doorasho xaq ah oo ay kusoo xushaan hogaamiyaha cusub ee dalka maamuli doono afarta sano ee soo aadan.

Ku xigeenka afhayeenka xafiiska looga taliyo Mareykanka Patrick Ventrell ayaa sheegay in ay ku dhiiri gelinayaan dhamaan hogaamiyaasha 24-ka ah ee lagu wado in ay ku guuldareystaan doorashada madaxtinimada in ay aqbalaan natiijada doorashada.

Baarlamaanka cusub oo ay markiisi hore soo doorteen odayaasha dhaqanka waxa uu u fariisanayaa 10-ka September maalinta Isniinta ah gudaha magaalada Muqdisho doorashada madaxweynaha.

“September 10 waxa ay noqon doontaa maalin taariikh u ah dalka Somalia, maalintaasi waxaa madaxweynaha cusub dooran doona baarlamaanka, marka waa xiligii uu baarlamaanka go,aan ka qaadan lahaa sharafta, aqlaaqda iyo wixi la mid ah si uu si xaq ah u doorto hogaamiyaha cusu Patrick Ventrell.

Somalia ayaa haatan dib usoo ceshato dowladnimadi ay waysay sanadki 1991 markaas oo la afganbiyey Mohamed Siad Barre.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here