Mareykanka: Nin Soomaali ah oo xabsi lagu xukumay

MAXKAMAD-620x330Maxkamadda San Diego ee dalka Mareykanka ayaa shalay lix sano oo xabsi ah ku xukuntay nin Soomaali ah oo lagu helay dembi la xiriira dhaqaale iyo taageero uu u fidiyay Al-Shabaab.

Garsooraha Maxkamada San Diego Jeffrey T. Miller ayaa sheegay in Axmed Naasir uu yahay shakhsigii  ugu dambeeyay ee lagu helay dembiga, wuxuuna xusay in uu yahay nin qaxooti ah oo ka yimid dalka Soomaaliya.

Axmed Naasir Maxamuud oo ay da’diisu tahay 38 jir wuxuu ahaa wade Taxi. Waa ninka afaraad ee asalkiisu uu yahay Soomaali ah oo dembi argagixisannimo lagu helay.

Maxkamadda San Diego ayaa bishii February ee sanadkii 2013 waxay ku xukuntay Basaaly Saciid Macalin 18 sano oo xabsi ah, Maxamed Maxamuud  oo ahaa Imaam masjid waxaa lagu xukumay 13 sano oo xabsi ah, iyadoo Ciise Doreh lagu xukumay 10 sano oo xabsi ah kaddib markii lagu caddeeyay inay lacag ay u direen Al-Shabaab.

Dowlada Maraykanka ayaa Al-Shabaab ku dartay liiska ururrada argagixisada ah ee caalamiga sanadkii 2008.

Xigasho: BRK

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here