Mareeykanka:Wax Lala Yaabo Maahan In Iran Ay Hub Ku Taageerto Al-shabaab

Doowlada Mareeykanka ayaa sheegtay ineeysan wax lala yaabo ahayn hadii ay run noqoto wararka sheegaya in Iran ay hub ku taageerto kooxda Al-shabaab ee ka dagaalanta Soomaaliya.

Afhayeenka wasarada arimaha dibada ee Mareeykanka Victoria Nuland, oo Isniintii shalay faalo ka bixisay warar laga soo xigtay warbaahinta Caalamka oo sheegaya in kooxda Al-shabaab ay hub kahelaan shabakado kale oo ku xiran Iran iyo Yeman.

Nuland, ayaa sheegtay in marka la tixraaco falalka looga bartay Iran ee laxiriira taageerada waxa loogu yeero Argagixisada aaneey doowlada Mareeykanka wax lala yaabo u arkeen in Iran ay Al-shabaab hub ku taageerto.

Doowlada Mareeykanka ayaa horay u taageertay in cuna qabateynta hubka laga qaado Soomaaliya, hase ahaatee waxay afhayeenka arimha dibadda ee mareeykanka Victoria Nuland ay sheegtay in taasi aaney micnaheedu ahayn in kooxaha carqalada wada loo ogolado hubka.

“Waxaan u baahanahay inaan cunaqabateynta ku hayno kooxaha aan doowlada ka socon iyo Al-shabaab, waa inaanu helnaa qaab haboon oo loo hirgalin karo arintan” ayay tiri Victoria Nuland.

Shalay ayay ahayd markii koox QM uqaabilsan lasocodka iyo kormeerida Cunaqabateynta hubka ee Saaran Soomaaliya ay soo saartay warbixin ay ku sheegeeyso in shabakado ku Xiran dalalka Iran iyo Yeman ay hub soo gaaliyaan gudaha Soomaaliya kaasoona gacanta u gala Al-shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here