Mareeykanka:Awoodii Al-qaacida ee Soomaaliya hoos ayay udhacday

Xoghayaha difaaca mareeykanka Leon  panetta, ayaa sheegay in ladagaalanka ururka Al-qaacida iyo kooxaha xiriirka laleh uu hada galay waji cusub kadib markii ay heleen doowlado badan oo garab kasiiya ladagaalanka dagaalka kadhanka ah waxa uu mareeykanka ugu yeero (Argagixisada).

Xoghayaha difaaca Mareeykanka waxa uu sheegay ineey jiraan doowlado bilaabay ineey sameystaan ciidamo ugaar ah oo lo taba baray ineey ladagaalamaan kooxahaas taasoo kadhigeeysa in mareeykanka uu dib usoo ceshto ciidamadiisa Kumaandooska oo ku kala sugnaa meelo badan oo caalamka ah.

Leon panetta, waxa uu hoosta ka xariiqay in Al-qaacida iyo koxaha xiriirka la leh kuna sugan bariga dhexe iyo caalamka uu hoos udhac aad uweyn ku yimid, kadib markii ay lakulmeen cadaadis milatari oo kaga imaanaya gobolka ay ku suganyihiin.

Al-qaacida dalka Yeman iyo Al-shabaabka Soomaaliya kusugan ayaa sida warbixinta lagu sheegay waxay lakulmeen guuldarooyin xiriir ah, kadib markii ciidamada kumaandooska Mareeykanka oo garab kahelaya ciidamada dalka Yeman iyo kuwa midowga afrika AMISOM eek u sugan Soomaaliya ay lawareegeen gobolo badan oo kooxahaan ay gacanta ku hayeen, sidaasi waxaa yiri Lyon Banetta.

Si kastaba ha ahaatee mareeykanka ayaa waxa uu qarashaad fara badan ku bixiyaa ladagaalanka kooxahan kusugan qaarada Afrika, waxaana mareeykanku uu sheegaa inuu door muhiim ah ka qaadanayo ladagaalanka ururada Alqaacida xiriirka laleh iyo ururka Al-shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here