Mareeykanka oo xiraya 17 Safaaradood

Possible-al-Qaida-threat-prompts-State-Dept-worldwide-travel-alertDoowlada Mareeykanka ayaa soo saartay digniin sheegeysa in Ururka Al-qacida ee Gacanka Carbeed ee loo yaqaano “AQAB” ay heer gabo gabo ah marinayaan weeraro Aragagixiso ah oo ay ku qaadaan xaruumaha Diblomaasiyadeed ee Mareeykanka, gaar ahaan Safaaradaha iyo Qunsuliyadaha wadamada Bariga Dhexe iyo Waqooyiga Afrika. Mareeykanka waxa uu Saraakiisha iyo dadka Caadiga ah ugu baaqay ineey muujiyaan feejignaan xoogan. Wasaarada arimaha dibada ee Mareeykanka ayaa soo saartay digniin ku socota diblo maasiyiinta iyo Muwaadiniinta Mareeykanka ah oo lagu war geliyay ineey digtoonaadaan. 21 Safaaradood iyo Qunuliyadood ee la xirayo ayaa ku kala yaala 17 wadan oo 6 kamid ah ay ku yaalaan Qaarada Afrika, kuwaasoo kala ah, Jabuuti, Sudan, Masar, Libya, Aljeria iyo Morocco. Wadamada kale ayaa u badan Bariga Dhexe, waxaana kamid ah Yeman, Sacuudiga, Imaaraadka, Qadar, Baxreyn, Ciraaq, Kuwait, Jordan iyo Cumaan, waxaa iyagana liiska kujira Bangaladesh iyo Afganistan. Gabar u hadashay wasaarada arimaha dibada Mareeykanka ayaa sheegtay in halista ka imaaneysa waxa ay ugu yeertay Argagixisada ay ku xoogbadantahay danaha iyo muwaadiniinta Mareeykanka ee Bariga dhexe iyo waqooyiga Afrika.

Safaaradaha la xirayo iyo wadamada ay ku kala yaalaan
Safaaradaha la xirayo iyo wadamada ay ku kala yaalaan

“Wasaarada arimaha dibada ayaa safaaradaha iyo Qunsiliyadahaas cayiman ku amartay ineey Al-baabada u laabaan maalinta Axada ah oo Bisha Augosto ay tahay 4ta oo ah maalinka Berito ah. Doowlada Mareeykanka waxay sheegtay in weerarku uu ka’imaanayo Ururka lagu magacaabo Al-qacidada Gacanka Carabta, oo loo soo gaabiyo “AQAB”. Waxaa warbixinta doowlada Mareeykanka lagu sheegay in Ururka Al-qacida iyo Ururada isbahaysiga ay leeyihiin laga yaabo ineey weeraradaan fuliyaan goor kasta ilaa laga gaarayo dhamaadka Bisha Augosto. Doowlada Mareeykanka waxay sheegtay in waxa ay ku tilmaamtay Aragagixisadu laga yaabo ineey isticmaalaan habab iyo Hub kala duwan ayna weerari karaan saraakiisha iyo shaqsiyaadka caadiga ah ee Mareeykanka u dhashay. Waxaa muwaadiniinta Mareeykanka looga digay suurtagalnimada in weeraradaan lala beegsan karo Gaadiidka dadweynaha iyo Goobaha dalxiiska, waxaa digniinta lagu sheegay in kooxahaas ay horay u bartilmaameedsadeen Tareenada kuwa dhulka hoostooda iyo korkooda mara iyo waliba Gaadiidka Cirka iyo Badda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here