Mareeykanka oo war kasoo saaray weerarkii Saakoow

ARLINGTON, VA - OCTOBER 07:  Commander of U.S. Africa Command General David Rodriguez speaks during a news briefing on the Department of Defense's response on Ebola October 7, 2014 at the Pentagon in Arlington, Virginia. Rodriguez said that the 4,000 service members deployed to the region that has been hard hit by the epidemic will be kept safe and they wont be a threat when they come home.  (Photo by Alex Wong/Getty Images)
ARLINGTON, VA – OCTOBER 07: Commander of U.S. Africa Command General David Rodriguez speaks during a news briefing on the Department of Defense’s response on Ebola October 7, 2014 at the Pentagon in Arlington, Virginia. Rodriguez said that the 4,000 service members deployed to the region that has been hard hit by the epidemic will be kept safe and they wont be a threat when they come home. (Photo by Alex Wong/Getty Images)

Nairobi- Mareeykanka ayaa markii ugu horeeysay war kasoo saaray weerar 10-kii Bishaan ay ciidamada Kumaandooska Soomaaliya iyo kuwa Ameerikaan ah ku qaadeen Fariisimo ay al-shabaab ku lahaayeen degmada Saakoow.

Afhayeen u hadlay ciidamada Maraykanka ayaa xaqiijiyay in ciidamo Maraykan ah ay ka qeyb galeen howlgal si wadajir ah ay uga fuliyeen duleedka degmada Saakow ciidamo Maraykan ah iyo kuwo Soomaali ah toddobaadkii la soo dhaafay.

Lieutenant Commander Anthony Falvo, oo ah Afhayeen u hadlay taliska ciidamada Maraykanka ee Afrika  ayaa sheegay markii ay ciidamada Soomaalida ah ay u dhowaadeen halka ay ku sugnaayeen maleeshiyaadka Alshabaab rasaas lagu soo riday balse ay iyaguna ka jawaabeen oo halkaa ku dileen saddex kamid ah maleeshiyaadka Alshabaab oo goobtaa ku sugnaa balse afhayeenku ayaa intaa ku daray in askarta Maraykanka aysan waxba ka soo gaarin weerarkan.

Sida ay daabacday jariirada caanka ah ee Newyork Times maanta,Falvo ayaa sheegay in ciidamada Maraykanka ay hubeysnaayeen balse aysan ka qeybgalin iskahorimaadka. Ururka Alshabaab oo gacan saar la leh Alqaacida ayaa ku leh baro kontarool oo ay lacagaha ugaga qaadaan gaadiidka isaga goosha deegaano ka mid ah gobolka Jubbada Dhexe gaar ahaan degmada Saakow.

Warar la isla dhex marayay magaalada Nairobi iyo magaalooyin kale ayaa sheegayay in hogaamiyaha ururka Alshabaab Abu Cubeyda lagu diley weerar toddobaadkii hore ay ku qaadeen ciidamo Maraykan ah degmada Saakow.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here