Mareeykanka oo sheegay inuu tallaabo kaqaadi doono cidii kahortimaada nabadda Somalia

Dowladda Maraykanka ayaa sheegtay in talaabo cad laga qaadi doono cid walbo oo kahortimaada hanaanka nabadda Soomaliya iyo habka looga baxayo kumeelgaarnimada.

War kasoo baxay Aqalka cad ee Dowladda Maraykanka ayaa lagu sheegay in Dowladda Maraykanka ay tallaabo ka qaadayso ciddii ay u aragtaa inay caqabad ku tahay ka gudbidda Xilliga Kumeel gaarka ah oo ay hadda ku jirto Dowladda Soomaaliya.

Maraykanka ayaa sheegay in cunna-qabateyn la saari doono hoggaamiyeyaasha Soomaalida ee ku lug yeesha cuur-yaaminta geeddi socodka Nabadda ee loogu gudbayo Xilliga Kalaguurka ah.

Warbixinta ayaa sidoo kale lagu sheegay in Maraykanka aanu aqbali doonin falalka lagu askareeyo Caruurta oo dambe wayn loogu tilmamaay Warbixinta, islamarkaana ciddii ku lug yeelata tallaabo cad laga qaadi doono.

Ugu dambeyn Maraykanka ayaa xusay in Wasaaradda Maaliyadda ay xayiraad kusoo roge doonto dadka ay kusoo cadaato inay ku lug leeyihiin hantida la lunsaday xilli dhawaan Madaxda Dowladda lagu eedeeyay lunsasho hanti qaran.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here