Mareeykanka oo markale digniin u diray dadka qaska ku wada Nabada Soomaaliya

Madaxweynaha dalka Mareeykanka, Brack Obama, ayaa digniin adag u diray cid kasta oo kahor timaada Nabada Soomaaliya.

War qoraal ah oo kasoo baxay xafiiska madaxweynaha Mareeykanka, Brack Obama, ayaa waxaa lagu sheegay in doowladiisa ay sii adkeyneyso in tallaabo adag laga qaado Cid kasta oo loo arko ineey caqabad ku tahay amaanka, iyo horumarka Soomaaliya.

Warkaan oo ay qortay wakaalada wararka u faafisa dalka Kuwait, ayaa waxaa lagu sheegay, in Mareeykanka uu si buuxda u taageersanyahay doowlada Soomaaliya iyo shacabkeeda, islamarkaasna cunaqabateyn adag la dul dhigayo, cid walbo oo loo arko ineey doowlada Caqabad ku tahay.

“Waxaan go’aansanay inaan ciqaabno, cid walbo oo ka hortimaada nabad galyada iyo horumarka Soomaaliya ee socda hada, tana waxay qayb ka tahay taageerada doowlada Mareeykanka ee Soomaaliya”ayaa lagu yiri warkii kasoo baxay xafiiska madaxweyne Obama.

Warkaan laguma xusin urur, ama shaqsiyaad toona, oo si gaar ah digniinta loogu dirayo, hase ahaatee waxaa muuqaneysa in digniinta loo dirayo cid walbo oo doowlada kahortimaada.

Waa markii 2-aad, oo yabooh nuucaan oo kale ah uu kasoo baxo doowlada Mareeykanka, iyadoo madaxweyne Obama qoraal nuucaan oo kale ah, bilawgii sanadkaan soo saaray, taasoo loogu digay cidwalboo qas ku noqota nabada Soomaaliya.

Mareeykanka, ayaa kamid ah, doowladaha ugu tunka weyn ee taageera doowlada Soomaaliya, iyo howlgalka ciidamada midowga Afrika ay ka wadaan Soomaaliya, ee AMISOM.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here