Mareeykanka oo lacag dul dhigay rag ka bar bar dagaalama Al-shabaab

Bayaan kasoo baxay wasaarada arimaha dibada Mareeykanka, ayaa lagu sheegay $5 million, lasiin doono cidii soo sheegta, ama macluumaad ka keenta, laba kamid ah muwaadiniintooda, oo hada ka bar bara dagaalama dagaalyahanada Al-shabaab, mid kamid ah ragas ayaa lagu magacaabaa Cumar Xamaami, kuna magac dheer “Abuu Mansuur Al Amriiki”, kaasoo shabaab ugu qaabilsan dhanka warbaahinta, iyo inuu tashkiiliyo dhalinyarada Mareeykanka, waxa uuna u tiriyaa heeso raab ah, si uu ugu soo jiido ku biiritanka Al-shabaab.

Cumar Xamaami, oo ay iska dhaleen Aabo Syrian ah iyo hooyo Ameerican ah, ayaa ku dhashay magaalada Alabama ee wadanka Mareeykanka, waxa uuna Soomaaliya yimid sanadkii 2006, xiligii Maxaakiimta Islaamiga, waxaa uuna Tababar dhanka milatariga ah siiyaa dhalinyarada shabaabka.

Laakiin sanadihii ugu danbeeyay waxa uu shabaabka u qaabilsanaa dhanka dacaayada, iyo borobogaandada, waxa uuna soo duubay dhowr Cajilad, waxaana kujira marar uu ku luqeeynayo heeso raab ah, oo uu kusoo jiidanayo dhalinyarada Mareykanka.

Wasaarada Arimaha dibada Mareykanka ayaa hada $5 million dul dhigtay Cumar Xamaami iyo Jihad Mustafa, oo isna ah muwaadin American ah, islamarkaasna kasoo jeeda magaalada California, lacagtaan ayaa lasiin doonaan qofkii Xog ama macluumaad ragaan lagu soo qaban karo ka keenta.

Kirk Rice, oo ah madaxa diblomaasiyada amaanka Mareeykanka, ayaa shir jaraa’id oo ay Khamiistii ku qabatay qadka Taleefanka sheegtay, in barnaamijka abaalmarinta uu qayb kayahay istiraatiijiyada uu mareeykanka kula dagaalamayo Al-shabaab.

“…Arintaan oo kale horay ayaan u ballan qaadnay siyaan macluumaad uga helno madaxda ugu sareeysa Al-shabaab kadibna noogu suurta gasho qabashadooda ama dilkooda…” ayay tiri Kirk Rice.

Al-amriiki, ayaa bilihii ugu danbeeyay barta Internetka soo dhigayay muuqaalo Viseo ah, isagoona sheegaya in nafsadiisa ay Qatar ku jirto islamarkaasna uu kabaqayo in la qaarajiyo, Al-amriiki ayaa sheegay in dhanka istiraatiijityada dagaalka ay isku maandhaafeen madaxda Al-shabaab, gaar ahaan kuwa Soomaalida ah.

Waxa uu sheegay in naftiisa ay soo wajahday baqdin aad u xoogaan, taasoo kaga imaaneeysa Ciidamada daacada u ah amiirka Al-shabaab ee Axmed Godane.

Wasaarada arimaha dibada Mareeykanka ayaa aaminsan in Al-amriiki uu weli ku suganyahay qaybo kamid ah Soomaaliya, inkastoo kooxda Al-shabaab ay koox koox noqdeen, cadaadis xoogana uu kasoo wajahay dhanka Ciidamada AMISOM iyo ciidanka doowlada, taasoo suurtagal kadhigeeysa in Cumar Xamaami, iyo madaxda ugu sareysa Al-shabab meel kale u baxsadeen.

Al-shabaab, oo markii hore katalinayay dhul ballaaran, ayaa waayadii danbe isaga baxayay magaalooyin waaweyn, kadib markii ay Muqdisho isaga baxeen sanadkii 2011.

Laakiin kooxda ayaa isbuucii lasoo dhaafay waxaa gacantooda markale kusoo laabtay magaalada Xudur ee gobolka Bakool, kadib markii ay halkaas isaga baxeen Ciidamada Ethiopia iyo kuwa Soomaalida, sidoo kale Al-shabaab ayaa bishii lasoo dhaafay Muqdisho ka geystay dilal qorsheysan iyo qaraxyo Ismiidaamin ah, kuwaasoo ay ku waxyeeloobeen dad shacab ah oo aan waxbo galabsan.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here