Mareeykanka oo laba laabaya taageerada uu siiyo Mucaaradka Syria

Xoghayaha arimaha dibada dalka Mareeykanka John Kerry, ayaa ka dhawaajiyay in doowlada Mareeykanka ay laba laabi doonto kaalmada ay siiso mucaaradka wadanka Syria, si meesha looga saaro nidaamka Asad.

Kerry, oo ka hadlayay kulan ay isugu yimaadeen doowladaha la magac baxay saaxiibada Syria, ayaa waxa uu sheegay in Mareeykanka uu kaalmada mucaaradka Syria la siiyo gaarsiinayo ilaa 123 Milyan oo doolar, laakiin aysan kujirin wax hub ah.

Kerry, ayaa sheegay in madaxweyne Obama uu ku kalsoonyahay in shacabka Syria ay yeelan doonaan doowlad mideysan oo dimoqraadi ah, kadib marka uu meesha kabaxo nidaamka madaxweyne Bishaar Asad.

Tirakoobki ugu danbeeyay, ayaa sheegaya in dad gaaraya 60,000 oo qof ay k geeriyoodeen kacdoonka Syria ka socda 2dii sano ee lasoo dhaafay.

Kerry, waxa uu sheegay in kaalmada Mareeykanka iyo doowladaha Saaxiibada Syria laguw areejin doono Madaxa Ciidamada xorta Syria, Gen. Saalim Idiris oo hada ku sugan dalka Trukiga.

Mareeykanka iyo midowga Yurub, ayaa kasoo horjeestay in lahubeeyo mucaaradka Syria, waxayna ka baqayaan in hubkaas uu gacanta u galo kooxda Jabhatu Nusra, oo iyada ka garab dagaalanta mucaaradka islamarkaana dhawaan shaacisay ineey qayb katahay urur weynaha Al-qacida.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here