Mareeykanka oo la sheegay in ay baarayaan duqeynti Gaalkacyo

ash-carter-640x335Xoghayaha Gaashdhigga Maraykanka, Ash Carter ayaa si rasmi ahaan u sheegay in la baari doono Wararka sheegayo inay Diyaaradaha Maraykanka maalintii Arbacadda ee la soo dhaafay duqeyn sababtay dhimasho ka geysteen duleedka Gaalkacyo.

Ash Carter ayaa hadalkaasi ka sheegay Shir Jaraa’id oo uu ku qabtay Jesiiradda Hawaii ee dalka Maraykanka, wuxuuna xusay inaysan Maraykanka weli eegin Duqeyntaasi, balse ay rajeynayaan inay la wadaagi doonaan marka la soo saaro Natiijadad Baaritaankaasi.

Waxa uu intaasi ku daray inuusan jirin Ciiddan kale oo aan kuwa Maraykan ah oo aad u tixgeliya Mabaa’diida Guud ee Furfurnaanta, Hufnaanta iyo Isla-xisaabtanka.

Xoghayaha Gaashdhigga Maraykanka, Ash Carter waxa uu carrabka ku dhuftay inay jiraan qaladaad la sameeyey marar badan, loona bahaan yahay inay Maraykanka nafsad ahaantooda Isla-xisaabtanka eegaan marka ay duqeymahaas oo kale dhacaan.

Hadalkiisa ayaa yimid, kadib, markii ay Dowladda Federalka Somalia ka codsatay Dowladda Maraykanka inay faahfaahin ka bixiyaan duqeyntii ka dhacday duleedka Gaalkacyo, laguna dilay 13 Askari oo ka tirsan Maamul-gobaleedka Galmudug.

War-saxaafadeed ay Waaxda Gaashaandhigga Maraykanka soo saareen Khamiistii hore waxay Duqeyntaasi ku sheegeen inuu ahaa mid Is-difaacid ah.

Maamulka Galmudug waxay iyagana sheegeen in ay Maamulka Puntland hagid qaldan siiyeen duqeynta ay Diyaaradaha Maraykanka fuliyeen.

Dibadbaxyo ballaaran ayaa waxay maalmihii la soo dhaafay ka dhaceen ka Koonfurta Gaalkacayo, waxayna Taageerayaasha Galmudug cambaareeyeen Duqeyntaasi, waxayna gubeen Calanka Maraykanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here