Mareeykanka oo kalsooni kamuujiyay gacan ku dhigista Cumar Xamaami & Mustafa Jihad

Masuuliyiin katirsan waaxda arimaha dibada Mareeykanka ayaa sheegay ineey ku kalsoonyihiin, in lacaga la duldhigay laba kamid ah muwaadiniinta Mareeykanka, kana bar bar dagaalama Al-shabaab, ineey keeneyso in si deg deg ah gacanta loogu soo dhigo.

Labadaan nin ayaa lagu kala magacaabaa, Abuu Mansuur Al-Amriiki iyo jihad Mustafa, waxaana la aaminsanyahay ineey Soomaaliya joogaan.

Qaar kamid ah diblomaasiyiinta ka shaqeeya waaxda arimaha dibadda Mareykanka, oo lahadlayay warbaahinta dalka Mareeykanka, ayaa sheegay in lacagta shanta Milyan doolaar gaareysa ee ladul dhigay, madaxa Abuu Mansuur Al-amriiki iyo Jihad Mustafa, ay keeneeyso in dad badan oo Soomaali ah ay Xog badan ka keenaan, kadibna la qabto labadaasi nin.

Masuul katirsan waaxda arimaha dibadda Mareeykanka, ayaa wargeyska Washington post layiraahdo u sheegay, inuu rajeeynayo ineey jirayaan fursado badan oo ay helayaan, dad badan oo laga yaabo iney Xog badan kahayaan halka labadaas nin ay ku dhuumaaleeysanayaan.

Waxa uu sheegay in uu hubo in abaal marintaan labalan qaaday dad badan ka faa’iideysan doonaan, Xog badana ay ka keeni doonaan halka ay ku noolyihiin labadaan nin, oo la’aaminsanyahay in Al-qacida ay katirsanyihiin.

Ujeedka uu Mareeykanka lacagaha u duldhigay labadaan nine e hada Soomaaliya kadagaalama tahay, in laga hortago qataro ay Caalamka u geystaan.

Mareeykanka ayaa dhowr jeer ooh ore lacago u duldhigay Ajaanib, iyo waliba dad kaloo Soomaali ah, oo ka kala tirsan ururada Al-qacida iyo Al-shabaab.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here