Mareeykanka oo gacanta ku dhigay Afhayeenka Usaama Bin Laden

Mareeykanka ayaa xaqiijiyay ineey gacanta ku dhigeen afhayeekii Usaama Bin Laden kaasoo lagu magacaabo “Abuu Geyth”, waxana lagu maxkamadayn doonaa Isbuucaan gudihiisa magaalada New York.

Xubin katirsan aqalka odoyaasha ayaa xaqiijiyay, in Abuu Geyth isbuucii hore laga soo qabtay wadanka Jordan.

Mareeykanka, ayaa Abuu Geyth ku eedeeyay inuu ahaa maskaxda Usaama Bin Laden, islamarkaasna uu door weyn ku lahaa waxna ka abaabulay weerardii 11-kii Sebtember lagu qadaay magaalooyinka New York iyo Washington.

Guuto gaar ah oo katirsan Ciidamada Kumaandooska Mareeykanka, ayaa bishii May 11-keeda, waxay Usaama ku dileen meel kamid ah wadanka Bakistan halkaasoo mudo ku dhuumaaleeysanayay.

Waxaa lafilayaa in Abuu Geyth, uu jimcaha soo socda kasoo muuqan doono maxkamad ku taal magaalada New Yorka, waxaana lagu eedeeynayaa inuu ka qayb qaatay dilka muwaadiniin  Mareeykanka u dhashay.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here