Mareeykanka oo Diyaaradaha Drone-ka ugu deeqay Ciidamada AMISOM.

Kadib Kulan ay yeelatay Waaxda Pentagonka Mareykanka ayaa waxa ay go’aan ku gaareen in 8 kamid ah Diyaaradaha yar yar ee aan Duuliuya laheyn lagu wareejiyo Ciidamada Amisom gaar ahaanna Askarta Kenya ee kusugan gudaha Soomaalia si ay usii xoojiyaan dagaalka ay kula jiraan Xarakada Al-Shabaab

Sidookale Pentagonka ayaa sheegay  in Lacag gaareeysa $41.4 Million ay Dowladda Mareykanka siineyso Kenya si loogu qalabeeyo Ciidamada Dowladda Kenya oo qeyb ka ah Howlgalka Amisom iyadoona Xukuumada Washiton ay rajo wanaagsan ka muujisay in Caawimaadaan ay sahli doonto in ciidamada Kenya ay gacanta ku dhigaan magaalo xeebeedka Kismaayo oo Al-shabaab u ah magaalo istiraatiiji ah

Waaxda Pentagonka ayaa sheegtay in Waqti dhow Qalab Milatari oo farabadan iyo Diyaaradaha aan Duuliyaha laheyn ay siin doonaan Ciidamada kasocda Wadamada Uganda ,Burundi iyo Jabuuti oo iyagoo qeyb ka ah Holgalka Amisom jooga dalka Soomaalia

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here