Marcelo : “Qalad ayuu ahaa kaarka guduudan ee loo taagay Ronaldo “

Ronaldo oo loo taagay kaar guduudan
Ronaldo oo loo taagay kaar guduudan

Difaaca kooxda Real Madrid, Marcelo ayaa weerar ku qaaday garsoore Miguel Ayza kaasoo u taagay kaarka guduudan kana saaray cayaarta Cristiano Ronaldo intii lagu guda jiray kulan Axadii 1 iyo 1 ku dhammaaday oo ay horiyaalka La Liga la galeen Athletic Bilbao.

Cayaaryahanka reer Portugal ayaa qalad kula kacay cayaartoyda kala ah Carlos Gurpegui iyo Ander waxaana ay keentay in daqiiqadii 76-aad laga saaro cayaarta.

“Ma ahan mid cadaalad ah,” Marcelo ayaa siddaas laga soo xigtay isagoo u warramayay Website-ka kooxda Madrid.

“In kastoo cayaarta ay ku dhammaatay barbadhac haddana waxaan rabnay guul laakin waxa ay ahayd cayaar aad u dhib badan,” ayuu yiri Marcelo.

Madrid ayaa ku jirta kaalinta seddaxaad kala horeynta horiyaalka La Liga, waxaana seddax dhibcood ka horeeya Atletico Madrid oo noqotay hoggaamiyaasha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here