Marcelo oo ka maqan kulanka Dortmund

Marcelo oo ka maqan kulanka Dortmund
Marcelo oo ka maqan kulanka Dortmund

Macallinka kooxda Real Madrid, Carlo Ancelotti ayaa sheegay in Marcelo uu ka maqnaan doono kulanka horyaalka Yurub ay ka cayaarayaan Arbacada kooxda Jermalka ee Borussia Dortmund, kaddib markii uu dhaawacmay.

Xiddiga reer Brazil ayaa ku dhaawacmay cayaartii Madrid ay 5-0 ku xaaqday horyaalka La Liga kooxda Rayo Vallecano, toddobaadkan.

“Marcelo baaritaan lagu sameeyay waxaa soo baxday in uusan ka qaygali karin lugta horre ee cayaarta Yurub, maxaa yeelay wuxuu ka dhaawacmay murqa bidix,”ayaa lagu yiri war qoraal ah oo lagu qoray Website-ka kooxda.

25-jirkan ayaa la sheegay in uusan ka qaybgali doonin kulanka Arbacada ka dhacay garoonka Santiago Bernabeu.

Marcelo ayaa ka mid ah xiddaga muhiimka ah ee kooxda Madrid xilli cayaareedkan isagoona u saftay ilaa 33 kulan dhammaan cayaaraha ay cayaartay kooxda.

Maqnaanshiyaha cayaaryahanka reer Brazil waxa ay ka dhigan tahay in uu buuxiyo booskaas Fabio Coentrao kaasoo ka muuqan doono cayaarta Dortmund oo dhinaca bidix dambe ayuu ka cayaari doonaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here