Marcelo: “Ma jiro kala qeybsanaan dhex taala ciyaartooyda Real Madrid”

Daafaca dadabka bidix ee kooxda Real Madrid Marcelo ayaa ku adkeystay inuusan jirin wax kala qeybsanaan ah oo u dhaxeeya ciyaartooyda naadiga Real Madrid.

Wargeyska Marca ayaa maanta daabacay in uu jira kala qeybsanaan soo kala dhex gashay ciyaartooyda Real iyo tababarahooda, taasi oo salka ku heyso nin jecleysi lagu eedeeyey inuu ku sameeyey macalin Mourinho ciyaartooyda naadga.

Jose Mourinho ayaa lagu eedeeyey inuu si wanaagsan ula dhaqmo ciyaartooyda ay Boqrtiqiiska isku yihiin oo uu ka doorbido ciyaartooyda kasoo jeedo dalka Spain, waxa taasi ay soo shaac baxday marki au xerada tababarka ku murmeen isaga iyo kabtanka kooxda Ikar Casillas.

Hase yeeshee Casillas oo la weydiiyey arintaasi wuu beeniyey, waxa kale oo caawa ka hadlay daafaca u dhashay dalka Brazil ee sida weyn loogaga qadariyo Real Madrid Marcelo kaasi oo cod dheer ku sheegay in ciyaartooyda ay mideysanyihiin.

Waxa uu tilmaamay in midnimada ciyaartooyda Real ay tusineyso guushi adkeyd ee ay Axadi ka gaareen kooxda Athletic Bilbao oo ay ku garaaceen 4-1.

 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.