Maraykanka oo soo dhaweeyay cunaqabateenta hubka ee laga qaaday Soomaaliya

Dowladda Maraykanka ayaa soo dhaweeysay go’aanka uu Arbacadii toddobaadkan golaha ammaanka QM ku qaaday muddo sannad ah cunaqabateenta hubka ee saaran dalka ku yaalla geeska Africa.

Danjiraha Maraykanka u qaabilsan QM Susan Rice oo saxaafadda kula hadleysay magaalada New York ayaa sheegtay in tallaabadaas ay kor u qaadeyso dedaalada ay dowladda Soomaaliya ku dooneyso in ay soo celiso sharaftii ay ku lahaayeen.

Waxa ay sheegtay in dowladda Maraykanka soo dhaweyneyso in laga qaado xayiraada dhinaca hubka dalka Soomaaliya.

Dowladda Maraykanka ayaa ka mid ahayd waddamada sida wayn ugu olaleenayay in Soomaaliya laga qaado xayiraada dhinaca hubka oo la saaray sannadkii 1992-dii xilligaas oo dalka ay ka billowdeen dagaallo sokeey.

Waxay sheegtay in xayiraada laga qaaday Soomaaliya ku jirin Al-Shabaab, dowladdana looga baahan yahay in ay arrintaa il gaar ah ku fiiriso.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here