Maraykanka oo lacago dul dhigay qabqale dagaal oo ku sugan dalka Uganda

Dowladda Maraykanka ayaa lacago ku raadineysa dagaal ooge Joseph Kony, waxaana ciddii keenta ama soo sheegta xog ku saabsan halka uu joogo waxaa la siin doonaa $5m

Maraykanka ayaa lacag ku raadinaya hoggaamiyaha kooxda mucaaradka ee Lord’s Resistance Army Army (LRA) ee dalka Uganda.

Wasaaradda arrimaha dibedda Maraykanka ayaa sheegtay in lagu raad joogo dad uu ka mid yahay Kony iyo xubno kale oo ka tirsan LRA.

LRA ayaa la aaminsan yahay in ay ku sugan yihiin dalka Jamhuuiradda Afrikada dhexe, halkaasoo dhul badan ay gacanta ku dhigeen

Dadka la baadi goobayo waxaa ku jirra Okot Odhiambo iyo Dominic Ongwen oo ka mid ah saraakiisha LRA.

Kooxdan ayaa 20-kii sanno ee la soo dhaafay waxa ay dagaalo ka waday soohdinta u dhexeysa Uganda, Jamhuuriyada Afrikada Dhexe iyo Konfurta Sudan

Xoghayaha kaaliyaha arrimaha dibedda Maraykanka John Kerry, ayaa sheegay in lacagta la siin doono cid kasta oo warbixin ka keenta ama soo qabta Konny.

Kony, ayaa ka goostay mucaaradka Uganda bishii 2005, waxaana tan iyo xilligaas baadi goobaysay maxkamadda dambiyada caalamiga.

Waxaa lagu eedeeyay dilka dad badan iyo carruurta oo uu askar ahaan u isticmaalay.

Hey’adda u doodda carruurta ayaa sannadkii 2012-ka waxa ay soo saartay Filim ay ciwaan uga dhigtay “Stop Kony”,oo ah Jooji Kooni

Filimkan ayaa si toos ah loo galiyay Barta Internet-ka ee YouTube waxaana daawaday in ka badan 100-milyan oo qof.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here