Maraykanka oo $10 milyan dul dhigay niman u dhashay Sudan oo ku sugan Soomaaliya

Dowladda Maraykanka ayaa ku dartay liiska shaqsiyaad la radinaayo oo ka tirsan kooxaha argagixisada ee ka dagaalama Soomaaliya.

Labadan nin waxa ay ka mid ahaayeen  shan nin oo sannadkii 2008-dii ku dilay nin Maraykan ah oo u shaqeenaayay hey’adda hormarinta caalamiga ee ( USAid).

Labdan nin ayaa lagu kala magacaabaa Abdelbasit Alhaj Alhasan Haj Hamad and Mohamed Makawi Ibrahim Mohamed, waxana midkiiba la dul dhigay madixiisa lacag gaareysa ilaa 5-milyan oo dollar.

Aggaasimaha waaxda arrimaha dibedda Maraykanka u qaabilsan baaritaanada khatarta iyo argagixisada Robert Harran ayaa sheegay ciddi meel ku sheegta labadan nin oo la aamin san yahay in ay ku dhuumanayaan Soomaaliya la siin doono lacag gaareysa illaa 10-milyan dollar.

Mr. Hartan wax faahfaahin kama bixin goorta nimankan ay galeen Soomaaliya iyo waxyaabaha muujinaya in ay  ku sugan yihin Soomaaliya, balse waxa uu muujiyay ciddii soo sheegta in ay muteesan doonto abaal gud.

Labadan nin ayaa la sheegay in ay ka baxsadeen xabsi ku yaalla Khartoum, markii ay weerareen illaalada xabsiga hal boolis ayaa ku dhintay shilkaas mid kalena waa uu ku dhaawacmay.

Waxa ay door ku lahaayeen dilka John Granville iyo darawalkiisa oo ahaa reer Sudan Abdelrahman Abbas Rahama, kuwaasoo lagu dilay sannadkii cusbaa ee 2008-da magaalada Khartoum.

Mid ka mid ah ragga falkaas ku lugta lahaa oo la qabtay goor dambe ayaa la aaminsan yahay in uu lagu dilay Soomaaliya bishii May 2011.

Labada nin ee la raadinaayo ee kala ah Makawi iyo Cabdilbasiid, waxa mid kale hore uu ka dhashay sannadkii 1984 dalka Sudan, waxa la aaminsan yahay in uu xiriir la lee yahay koox al-Qaeda oo ku sugan wabiga Niles.

Abdelbasit ayaa isna ku dhashay waddanka Sudan,laakin si sax ah looma hayo sanadka uu dhashay, waxa la isku khilaafsan yahay in uu dhashay sannadkii 1979  ama 1983.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here