Maraykanka oo ka Hadlay Maraakiibta Kaga Sugan Xeebaha Kismaayo

Xilli maal mahii lasoo dhaafay ay magaalada Kismaayo ka jireen cabsi ka dhalatay maraakiib dagaal oo kusoo dhowaaday magaalada ayaa waxaa arrintaasi ka hadashay Dowladda Maraykanka.

Afhayeen u hadlay ciidamada badda ee dalka Maraykanka oo asagoo ku sugan magaaladda Washington la hadlay wakaaladda wararka ee AP ayaa sheegay in maraakibtooda dagaalka ay dhawrkii maalmood ee la soo dhaafay ku sugnaayeen xeebaha magaalada Kismaayo waxaana uu sheegay in ujeedka ay halkaasi u tageen ay tahay inay la socdaan dhaq dhaqaayada ay magaalada Kismaayo ka wadaan hogaanka Xarakadda Al-Shabab iyo xubnaha kale ee Al-Qacida ka tirsan.

Afhayeenkaan ma uusan sheegin in maraakiibtooda ay ka qeyb galeen wax dagaal ah waxaase uu tilmaamay inay dhaq dhaqaaqyada Al-Shabab la socdaan.

Sidoo kale afhayeenka Maraykanka u hadlay waxaa uu ka gaabsaday in ciidamadooda ay ka qeyb qaadan doonaan dagaalada ka dhan ah Al-Shabab ee Kenya la doonayo in lagu qabsado magaalada Kismaayo.

Sikastaba Dowladda Maraykanka ayaa waxaa biyaha Soomaaliya kaga sugan tiro badan oo maraakiib dagaal ah waxayna sheegaan in ay dagaal kula jiraan Burcadbadeed, Al shabaab iyo Al qaacida, walow dadka qaar ay sheegaan in ay si sharci darro ah kula baxaan kheyraadka badda Soomaaliya.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here