Maraykanka oo ciidamo AMISOM ah tabbabar ugu soo gabagabeeyay Uganda

AMISOMSafaaradda Maraykanka ee dalka Uganda, ayaa sheegtay in ciidamada Millatariga dalka Maraykanka ay tabbabar dhawaan u soo gabagabeeyeen xero militari oo ku taalla Uganda 145 askari oo ka mid noqonaya ciidamada AMISOM ee ku sugan gudaha dalka Soomaaliya.

Askartan oo ka mid ah ciidamada dalka Uganda, isla markaana ah boliiska sida milatariga u tabbabaran ayaa Arbacadii toddobaadkan xarunta tabbabarka ciidamada ee ku taala dagmada Nakazeka ee ku taalla bartamaha wadanka Uganda.

Waragayska New Vision ee ka soo baxa Magaalada Kampala oo soo xiganayay Col William Wyatt oo ah madaxa xiriirka safaaradda Maraykanka ee magalaada Kampala ayaa u sheegay Wargayska in ciidamada tababarka dhamaystay wax yaabaha la baray ay ka mid yihiin: Ilaa linta sharciga, hawlgalada milatari ee qarsoodiga ah, Qaabka hawlgalada Millitari looga fuliyo dhulka Miyiga ah, gaarka dag daga ah, Miino -saarista iyo Qaabka baaritaanada loo sameeyo marka la joogo baraha koontarool iyo arrimo kale.

Si kastaba ha ahaatee,dalka Uganda ayaa ciidamadeeda waxa qayb ay ka yihiin hawlka ciidamada Midawga Afrika ee loo yaqaan AMISOM ee ku sugan gudaha dalka Soomaaliya  waana ciidamada ugu badan ee jooga gudaha dalka Soomaaliya.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here