Maraykanka & AMISOM oo ugu hambalyeeyay Soomaaliya 1-da Luuliyo

Dowladda Maraykanka ayaa hambalyo ku aadan 1-da Luuliyo oo ah 53-sanno guuradii ka soo wareegtay  markii ay xurnimada qaateen gobalada Koonfureed ee dalka Soomaaliya isla markaana ay midoobeen Waqooyi iyo Koofur u diray Shacabka Soomaaliya.
Xoghayaha guud ee Maraykanka John Kerry ,ayaa sheegay isagoo ku hadlaya magaca madaxweyne Brack Obama iyo shacabka Maraykanka in uu hambalyo u diraayo Shacabka Soomaaliyeed oo maanta u dabaal dageysa markii ay ka xoroobeen gumeestihii Talyaaniga iyo Ingiriiska sannadkii 1960-kii.
Wuxuu sheegay xoghayaha arrimaha dibedda Maraykanka inay dadka Soomaalida u rajeenayaan guul maadama ay horrumar ku tallaabsadeen sannadihii la soo dhaafay.
John Kerry ayaa cambaareeyay weerarkii 19-kii bishii horre lagu qaaday xarunta QM ee Muqdisho, wuxuuna sheegay in falkaas uu muujinayo sida ay kooxaha argagixisada u doonayaan in ay wiiqaan guulaha la gaaray.
Wuxuu sheegay in Maraykanka uu garab taagan yahay dadka dowladda Soomaaliya kuwaasoo ka shaqeenaya in uu nabad gaaro dalkiisa.

Maraykanaka ayaa ugu dambeen u rajeeyay dadka Soomaalida in ay maalinta xoriyda ku dabaal dagaan si bad qab ah.

Dhinaca kale,wakiilka gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya, Danjire Mahamat Saleh Annadif ayaa u hambalyeeyay shacabka Soomaaliyeed oo maanta xusaya maalintooda xorriyadda.

“Maanta oo kale, 53 sano ka hor, shacabka Soomaaliyeed waxay ahaayeen kuwo is garab taagan, iyagoo daawanayay dhalashadii taariikhiga aheyd ee qarankooda, kaas oo u dhisnaa mabaadii’da caddaaladda, midnimo shacab iyo weliba taageeridda midnimada walaalahooda Afrikaanka ahi,” ayuu yiri Danjire Annadif.

Kaddib xorriyaddii, Soomaaliya waxay dadaal dheer u gashay sidii ay dalal badan oo Afrikaan ah uga caawin lahayd inay ka xorroobaan heeryadii gumeystaha, ayuu yiri Annadif.

Dabbaaldegga sanadkan ayuu sheegay inuu ku soo beegmay xilli horumarro waa-weyn laga sameeyay waaxyaha siyaasadda iyo ammaanka ee Soomaaliya kaddib 20 sano oo xasillooni darro lagu jiray.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here