Marakiib dagaal oo caawa duqeyn ugeystay dekada Kismaayo

War goordhow nasoo gaaray ayaa waxa uu sheegayaa in maraakiib dagaal oo aan la garaneen dowlada leh ay caawa maqribkii dhowr gantaal ku garaaceen dekada weyn ee magaalada kismaayo.

Ilaa iyo hada lama sheegin qasaaraha kadhashay duqeyntaas,laakiin goob joogayaal lahadlay warbaahinta qaar ayaa waxay sheegeen ineey arkayeen maraakiib dagaal oo gantaalo kusoo garaaceysa dekada Kismaayo.

Majiro wax war ah oo kasoo baxay Al-shabaab oo iyaga magaalada maamula.

Waxaa xusid mudan in maalmahaan ay xiisado dagaal kajireen deegaanada ku xeeran Magaalo Xeebeedka Kismaayo oo ay hada kaabiga kusoo hayaan ciidamada Huwanta ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here